January 14, 2013 | Posted by admin
Paris- (Guardian)– Ciidamada Faransiiska ah ayaa guuldaro kala kulmay hawlgal ay ku soo furanayeen Nin Shabaab haysato, ka dib markii askari kale kaga dhintay, midna la waayay, halka ninkii ay soo furanayeen ay ku guuldaraysteen inay soo kaxaystaan.
Wasiirka Gaashaandhiga France, Jean-Yves Le Drian, ayaa shir jaraa’id uu shalay qabtay ku sheegay in askari ciidanka komaandoosta Faransiisku ku dhintay hawlgal ay ku soo furanayeen nin shabaab haysatay, sidoo kalena la la’yahay askari kale.
Hawlgalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeelada Hoose, magaalada Buulo-mareer, oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka D.G.S.E. ayaa lagu soo furanayey nin sirdoonka ka mid ahaa  oo sitay magac ah Denis Allex, isla markaana laga qafaashay 14-kii, July 2009, hotel ku yaalay Muqdisho.
Ciidamada hawlgalkaas fuliyay oo adeegsanayey diyaaradaha qumaatiga u kaca aya iska-caabin adag la kulmay ayuu sheegay  Mr. Le Drian, isla markaana, xaalada ninkii weli kala caddeyn, isagoo si taxadir leh uga hadlaya waxuu yiri, “ Waxaan u qaadan karnaa in nasiibdaro Allex ay dileen afduubayaashii,”, balse waxa dhab ah inaan Faransiisku ku guulaysan soo qaadashada meydkii ninkaa.
Qoraal Shabaab soo saartay shalay ayaa lagu sheegay in weli Allex nool yahay, laguna hayey goob kale, sidoo kalena hayaan askari kaloo dhaawac ah. Balse, weli hadlakaa Faransiisku ma xaqiijin .. Shabaab ayaa cadeeyey inay laba maalmood gudahood ku saari doonaan maxkamad ninkii Faransiiska ahaa, sida fariin af Ingiriis ku qoran ugu baahiyeen bartooda Twitter.
Wasiirka gaashaandhiga Faransiiska oo bayaaminaya sababta hawlgalkaa ayaa sheegay, Ka dib dhego-adagygii afduubayaasha, oo saddex sannadood iyo bar ku hayey Allex xaalad bani-aadminimada ka baxsan, waxaan qorshaynay hawlgalkaa. Waxuu kaloo sheegay in Allex ay dileen afduubayaashu.
Maxaa fashiliyay weerarka?
Qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa shalay si weyn u faaqiday waxyaabaha araxda ka jebiyay weerarka Faransiiska, waxaanay soo bandhigeen xogo la xiriira faashilkaas. Warbaahintu waxay sheegtay in Sababaha fashilka ku Keenay Ciidamada Kumaandooska Faransiiska ee Howl galka Ka fulinayay magaalada Buulo Mareer ay tahay in markii Ciidamadaasi ay diyaaradaha uga soo daateen Deegaanka Day doog oo 3 KM ka xiga Dhinaca Buulo Mareer ay bilaabeen ina dilaan dad Rayid ah qaarna ay ka xirxireen  Lugaha iyo Gacmaha, si aanay xoggo uga faafin hawlgalkooda.
Hase yeeshee dad ka bad baaday Xariggaas ayaa xiriiro Telefoon waxa ay la sameeyeen Guddoomiyihii Buulo Mareer ee Al Shabaab iyagoo ku wargaliyay in Buulo Mareer ay ku soo Wajahan yihiin Ciidamo ay tiradooda ugu Sheegeen illaa 50 Askari oo aad u hubeysan oo ah ciidamo ajaanib ah.
Warbaahintu waxay intaas ku dartay in markii ay madaxda Al-Shabaab wararkaas heleen ay abaabuleen ciidamo ku baxay jiidii loogu sheegay ciidamada Faransiiska, kuwaas oo uu dhex maray dagaal aanay ciidamada Faransiisku qorshaha ku darsan, intaas ka dibna waxa ay ciidamadii Al-Shabaab ee gudaha magaalada ku haray goobtii ka saareen sarkaalkii Faransiiska ahaa, waxase hoygii oo maran soo weeraray diyaarado dagaal oo ay iyagana is faro-saareen maleeshiyadka Al-Shabaab oo u soo diyaar garoobay. Sababahan ayaa noqday kuwa faashilka ku keenay hawlgalkii Faransiiska.
Geesta kale xukuumada Ingiriiska ayaa iyaduna ka hadashay halwgalka ciidamada Faransiisku ku soo furanayeen nin sirdoonka ka tirsan oo Shabaab haysatay. Xoghayaha arrimaha Dibedda, William Hague, ayaa sheegay, “ Waan ka xunahay maqalka khasaaraha Faransiiska wakhti ay hawlgal furasho ka wadeen Soomaaliya. Waxaan tacsi u dirayaa  Laurent Fabius.” Isagoo raaciyey, “Xaalada Afduubka Faransiiska ee Soomaaliya waxay muujinaysaa baahida la dagaalanka argagaxisada halkaa iyo taageerida shacabka Soomaaliyeed.”
COMMENTS