May 6, 2014 | Posted by admin


Xasan wuxuu ka hadlay in uu wax ka qabanayo Cadaalad iyo Xasilooni darada, wuxuu balanqaaday in uu Wadanka Nabad kusoo dabaalayo, siiba Caasimada Muqdisho. Wuxuu balanqaaday in uu Wadanka u horseedayo Hormar, wuxuu balanqaaday in Lix Billood gudahood Degmo walba yeelaneyso: Ceelal Biyood, Baro Caafimaad, Iskoolaad, Xarumo Boolis iyo Maxkamad xukunta kuwa Nabadgalyadda kasoo horjeeda.

Hadaba, aan kala qaadnee, Xasan Sheikh Cadaaladdii wuxuu la maray Surin Ciriiri ah oo waliba ugub ah. Wuxuu Itoobiya iyo Kenya u Saxiixay in ay Wadanka sidee rabaan ka yeelaan, waxaana lagu qiyaasay Ciidamada Itoobiya ee Wadanka ku sugan in ay Afartan Kun kor u dhaafeen.

Wuxuu Jubbooyinka u Saxiixay (Kismaayo) Kooxo Gaarisa, Jigjiga iyo Garoowe kasoo soo duulay oo gabaad u ah Ciidamada Kenya.

Wuxuu caqabadeyay oo caburiyay rabitaankii Dadweynaha oo lagu diidanaa Cadowga Kismaayo qabsaday, isla markaasna wuxuu Caasimada Muqdisho ka mamnuucay in Mudaharaad laga sameeyo.

Wuxuu caqabad ku noqday Shirkii Maamulka Lixda Gobol ee Baydhabo looga dhawaaqay kuna yimid rabitaanka Dadka Degaanka Jubbooyinka dagga.

Cadaalad daradda aad la yaabteen ee Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku kacay waxaa kamid aheyd Fatahaadi ku habsatay Shabeellaha Dhexe siiba Jowhar oo ay ku barakaceen 18.000 oo Qoys, Xasan Sheikhna gurmadkii Dowladda u gurman laheyd wuxuu ka dhigay in uu ugu deeqo Konton Kun oo Dollarka Mareykanka ah iyo Garoowe oo Waadi biyo mareen ah fatahay, Xasan Sheikh uu Hal Malyan oo Dollarka Mareykanka ah ugu deeqay.

Tusaalayalku waa badanyihiine, Xasan Sheikh waa kuma, maanta halkaas baan ku joojineynaa.

Xildhibaan waa kee?

Xildhibaanadda Soomaaliyeed in yar oo Alle kacabsigu ku weyn yahay ma ahee, inta kale Soomaalidu waxey u taqaanaa Dad aan Qoor iyo Xero laheyn, Dad aan Qowl laheyn, Dadnimo Soomaaliyeed laheyn, diir danqada laheyn, dantooda kaliya fiirsada oo Jeeb doon ah, Jaga doon ah, Jaajuusiin ah!

Waxaa loo yaaqaanaa “Sim Card” Lacag lagu shubto. Waa kuwii Madaxweyne Xasan Sheikh uu Lacagta siiyay si ay usoo doortaan Xasan Sheikh, waa kuwii Xasan Sheikh intuu Kaararka u buuxiyay, uu Raisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ku riday. Waa kuwii inta Kaararka Dollarka loogu shubay, Cabdiweli Kalsoonida siiyay. Waana isla ayagii kuwa hada Mooshinka ka keenay Xasan Sheikh.

Kuwaan Xildhibaanadda isku sheega, Soomaaliya waxaa looga yaqaanaa “Gafanayaal” dhiiga Masaakiinta dhuuqa, oo xaaraan ku naaxya ah.

Yaa Maanta Hogaaminaya Kooxda Mooshinka ka keentay Xasan Sheikh

Waxaa Hogaaminaya Kooxda loo yaqaan “Qaswadashaasha” oo aad si fiican u wada xusuusataan, waa Xildhibaan Jurilla, Xildhibaan Xasan Abshir, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Gaandi, Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo kuligood isku Qoys ah, oo ah kuwa Olloleynaya riditaanka Xasan Sheikh, doonayana in Booska la keeno mid ayaga ay isku Beel yihiin, waxeyna Qandaraas dhaqale siiyeen Xildhibaanno Hawiye ah oo ay kamid yihiin:

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo Qoyska Madaxweyne Xasan Sheikh ah isla markaasna kamid ah Maalqabeynta waaweyn ee Beesha Abgaal. Cabdulqaadir wuxuu ka Carooday in aan loo Magacaabin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdullahi Jaamac ‘Kabaweyne’ oo Goob Internet ku lahaan jiray Magaalada London. ‘Kabaweyne’ Aabihiis waa reer Hobyood, reer Galmudug ah, Cabdullahise wuxuu Jecelyahay Xaragada reer Bariga oo uu la haasaawo. Wuxuu ka Carooday in sidii loo balanqaady aan laga dhigin Wasiir ku Xigeen.

Xildhibaan Maxamuud Guure oo ilaa iyo Shan iyo Tobin Urur ku biiray, mid walbana ku hingoobay oo Jaggo ka waayay, kana soo jeedo Deegaanka Buulo-barde, ayaa waxaa laga balanqaaday, kadibna uu iska waayay Liiska Wasiiradda Xukuumadda Cabdiwali Sheekh Axmed.

Cosoble, ‘Kabaweyne’ iyo Guure waxey sheegteen in ay Hogaamiyaan 48 Xildhibaan oo ay ka go’antahay in ay Kursiga ka tuuraan Xasan Sheikh. Xildhibaannadaan mid walba waxaa loo balanqaaday 50 Kun oo Dollarka Mareykanka ah oo Qeyb loo hormariyay iyo Jaggooyin.

Xildhibaan Codsaday in Magaciisa aan loo isticmaalin Qoraalkaan ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ujeedada riditaanka Xasan uusan ku saleysneen Mid Mabda’ ah, mid Soomaalinimo ku dheehantahy, ama “Xasan wax buu qabtay ama wax ma qaban” ee Arintu waa Maqaayadii baa Qoryo beeshay oo dhaqaale baa la abuuraya.

“Niman waxey u danleeyihiin: Midkaan Booska ka riixa oo midkiina keensada, Ragna waxey u danleeyihiin: Kan la riixayana Lacag ka qaata, kan la doonayo in la keenana, lacag ka qaata, marka waa Hal dhagax Labo Shimbirood ku dil, oo lamid ah Hal Mooshin Labada Jeeb hakuu buuxiyaan, ee wax kale meesha laguma hayo, Adeerayaal” Ayuu yiri Xildhibaanka naga Codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Xildhibaanka asagoo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu yiri “Waxaan ka xumahay Ayaan daradda Bulshada Soomaaliyeed haysta iyo Dacdaradda ka imaanaya Cudurada iyo Gaajada ay Bulshada Soomaaliyeed la liiceyso, Cadowga Shabaab oo Bulshada gumaadaya, Gaaladda Madow iyo kuwa Cad oo Qandaraaska ku qaata waxa lagu sheegay Nabad ilaalinta oo ayaguna gumaadka Qeyb ka ah, dowladd aan Dalka ka talin iyo Wadankii oo Gobolleysi isku badalay, Baddii Soomaaliya oo gacanta ka baxday, Afartan Shirkada Batrool oo Mareykan horkacayo, Norvegian, Ingiis, Fransiis oo ay Shirkad walba meel Calan ka taagatay (…) Hal Maalina Xildhibaannada Arimahaasi kama doodin ee Soomaaliyeey tashada”

Keydmedia Online.

COMMENTS