April 12, 2014 | Posted by admin

Madaxweyna dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay inuu dhiggiisa Kenya kala hadlay in la joojiyo dhibaateynta dadka Soomaalida ah ee ku nool Nairobi.

Soomaali badan ayaa lagu xir-xiray howlgallo saf-mar ah oo ay ciidamada ammaanka Kenya ka sameeyeynayeen xaafadda Islii ee Nairobi tan iyo labadii bishan.

Dad ka badan 80 qof oo howlgalladaas lagu xiray oo ay Kenya ku eedeysay inay sharci-darro ku joogeen dalkeeda ayaa toddobaadkan lagu celiyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay xuska maalinta ciidamada xoogga dalka oo lagu qabtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu kala hadlay in la dhowro sumcadda iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkiisa ku nool.

Madaxweynaha

Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso sidii dadka ay dalka ugu soo noqon lahaayeen, isla markaana ay uga shaqeyn lahaayeen dib-u-dhiska socda.

Soomaali badan ayaa wali ku jira xabsiyada Kenya, kuwaas oo qaarkood heysta sharciyada qaxootiga ee Kenya iyo Qaramada Midoobay, waxayna saraakiisha howlgallada hoggaaminaya sheegayaan in dadka lagu kala saarayo garoonka kubbadda cagta Safaricom Kasarani, halkaas oo la isugu geeynayo dadka howlgallada lagu qabto.

COMMENTS