April 8, 2015 | Posted by admin

150220102442_somali_hawala_512x288_other_nocredit
Dawladda Kenya ayaa joojisay xisaabaadka 86 shakhsi iyo koontooyinka 13 xawaaladood, oo looga shakisan yahay inay taageero dhaqaale ku bixinayeen dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay ka waddo Kenya.
Dhawaan ayey ahayd markii madax ka tirsan dawladda Kenya ay sheegeen in daboolka laga qaadayo shakhsiyaadka gacanta ka geysta weerarrada ay Al-shabab ka fuliso gudaha Kenya.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa shaaca ka qaaday xayiraadda la saaray shakhsiyaadka iyo xawaaladaha, balse ma aanu shaacin magacyadooda.
Waxaa jira warar sheegaya in liiska ay ku jiraan culumo magac ku dhex leh Soomaaliya iyo xawaalado caan ah.
Xayiraadda xawaaladaha ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta Soomaali badan oo ku nool dalkan Kenya.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay war qoraal ah kasoo saaray muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin shacabka Soomaalida, ayaa sheegay in xiritaankooda ay dhibaato ku noqoneyso nabadda iyo dib u dhiska dalka.
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii jaamacadda Gaarisa, dawladda Kenya ayaa ku dadaaleysay in ay ka hortagto Al-shabaab, iyada oo bandow kusoo rogtay gobolka waqooyi bari, duqeyna u geysatay wax ay ku tilmaamtay saldhigyo ay xarakada ku leedahay gobolka Gedo ee Soomaaliya.

COMMENTS