April 11, 2014 | Posted by admin

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay soo badbaadiyeen labo qof oo ka shaqeynayay howlaha gargaarka, kuwaas oo sanadkii 2011-kii ay Al-Shabaab ka afduubtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Labada qof oo u dhashay dalka Kenya ayaa lagu kala magacaabaa Daniel Njuguna iyo James Kiarie, waxaana lagu dawaynayaa isbitaal ku yaalla degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, sida ay ciidamadu sheegeen.

Ciidamada ayaa tilmaamay in Daniel uu la shaqeynayay hay’adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF, halka James uu la shaqeynayay hay’adda Care International, balse MSF ayaa sheegtay in xilligan aysan xaqiijin karin in Njuguna uu ka mid ahaa shaqaalaheeda.

Labada nin ee la soo badbaadiyay ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah loo diri doono magaalada Nairobi.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha u galay Soomaaliya kaddib markii afduub iyo falal kale oo amni-darro ay ka dhaceen Dhadhaab, halkaas oo ay ku jiraan nus milyan qof oo qaxooti ah oo u badan Soomaali.

COMMENTS