DUHUR-Nairobi- Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney heshay labo helicopters dagaal oo ay laheyda Uganda kuwaasoo axadii lagu waayey hawada dalka Kenya xilli ay kusii jeedeen dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in labadii diyaaradood ee maanta oo dhan la raadinayay la helay iyagoo burburay.
Sarkaalkan u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in diyaaradahani ku burbureen bartamaha dalka Kenya, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa.
Afhayeenkan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhaawaca ah oo uu jiro nin duuliye ah oo dhwaac culus gaaray loo qaaday Isbitaal.
Nin u hadlay milaterika Kenya oo lagu magacaabo Bogita Ongeri ayaa xilli hore oo maanta ah sheegay in kooxaha wax baadbaadiya ee Kenya ay gaareen mid ka mid ah 3-dii diyaaradood ee la waayay taasoo si isbadbaadin ah ugu degtay deegaanka Mount Kenya ee buuralleyda ah.
Baarayaasha Kenya ayaa sheegay iney shaki ka qabaan in sababta keentay burburka diyaaradahan ay sabab u aheyd cimillada oo aad u xumaa.
“Ilaa hadda ma aanan arkin labada diyaaradood ee kale, laakiin waxaan ka shakisannahay iney ku sugan yihiin buuralleyda Mount Kenya, cimilladu ma wanaagsana oo si fiican wax looma arki karo, taasina waa arrinta shaqadeenna halis ku keeni karta” ayuu yiri Bogita Ongeri xilli hore oo maanta ahaa.
Diyaaradda afaraad ayaa iyadu shalay gaartay maagalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya, markaasoo la waayey 3-kale ee ay iska soo raaceen garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda.
Col. Felix Kulayigye, oo ah afhayeen u hadlay milateriga Uganda ayaa isaguna sheegay in 4-ta helicopter ee Uganda usoo dirtay Soomaaliya ay 2 ka mid ahaayeen nuuca Raashiya sameyso ee loo yaqaanno Mi-24 helicopter ee xambraata qoryaha mashiigaanada, islamarkaana dagaallanta.
Col. Felix Kulayigye ayaa sidoo kale xusay in labada kale ee helicopter ay ahaayeen nuuca dagaalka Mi-17 oo iyagana dalka Raashiya sameeyo.
Wuxuu sheegay Col. Felix Kulayigye in mid ka mid ah labada diraaradood ee Mi-17 ay si nabad ah ku gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Garissa ee Woqooyi Bari Kenya, halka mid ka mid ah labada helicopter ee Mi-24 ay si degdeg ah u fariistay keymaha buuralleyda ah ee Mount Kenya, iyadoo siday 18 askar ah iyo shaqaalaheeda.
Labada diyaaradood ee goor dhow booliska Kenya shaaciyeen iney burbureen ayaa kala Mi-24 iyo Mi-17, kuwaasoo weli raadinayaan ciidamada cirka Kenya iyo kooxaha ka qeybqaata badbaadinta.

Diyaaradahan dagaal ee ay leedahay Uganda oo 4 ahaa ayaa axadii kasoo kicitimay garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalkaas, waxaana qorshuhu ahaa iney ku degaan garoonka diyaaradaha Gaarisa oo shidaal kasoo qataan markaas kadibna ay usoo gudbaan dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidamada AMISOM ee taageera dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Shilkaan qabsaday diyaaradaha dagaalka Uganda ee kusoo jeeday dalka Soomaaliya ayaa dhabarjab xoogan dowladda Uganda oo ciidamda ugu badan ka joogaan Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo sugayay iney diyaaradahaan soo gaaraan si ay uga gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

All Posts
BBC 0400 GMT








