April 2, 2015 | Posted by admin

Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay damacsan tahay abaabulka Kooxo hor leh oo qaswadayaal ah kuwaasi oo hadda loo carbinaayo ka hor imaansha Dowlada Madaxweyne Xassan Shiiq oo isagu damacsan inuu ku dhaqaaqo waqti kordhin.

Kooxahaani qaswadayaasha ee xiligaani lagu abaabulaayo Magaalada Nairobi, ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin kasoo horjeeda dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in Siyaasiyiintaasi qaarkood ay kamid ahaayen Ururkii qaswadayaashii burburay oo ay taabagalin jirtay Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horay ugu fashilmatay aasaaska Urur qaswadayaal ah oo ay kamid ahaayen xubno farabadan oo hadda xilal kala duwan ka haya Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xassan.

Waxaan la saadalin karin sababaha ka dambeeysa in Kenya ay ka shaqeysa arimaha gaarka ah ee dalka Somalia, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin inay ka didsan tahay Muranka bada Soomaaliya ka taagan.

Dhinaca kale, Kenya ayaan la dhacsaneyn Siyaasada Madaxweyne Xassan iyo Xubnihiisa ku wehliya Siyaasada dalka, waxa ayna Juhdi ku bixineysaa in Dowlada Somalia ay ka mashquuliso Dacwadaha ka taagan Biyaha Somalia.

COMMENTS