December 29, 2012 | Posted by admin
Wasaarada amniga iyo qaranka dalka Kenya ayaa lacago malaayiin gaaraya ku bixisay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka dalka Kenya guud ahaan,xiliga ku aadan doorashada la filayo inay ka dhacdo sanadka cusub ee dalka Kenya.

Lacagtaan loogu talagay sugida ammaanka dalka Kenya ayaa gaareysa 6.5 bilyan oo shiling oo dheeraad ah,taasi oo intooda badan loo qeybiyay dhamaan hay’adaha kala duwan ee amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya,waxaana si gaar ah lacagtaan loogu talagalay in wax loogu qabto dadka falalka amaandari kawada dalka Kenya.

Dowlada ayaa ku micnaysay lacagahan dheeraadka ah ee ay u qoondaysay wasaarada amniga qaranka inay uga gol leedahay sidii laamaha amaanka si buuxda ay ugu diyaar garoobi lahaayeen la tacaalida dhacdooyin amniga lidiga ku ah xiliga doorashada ka hor iyo kadibba.

Sida lagu qoray wargeesyada ka soo baxa dalka Kenya gaar ahaan wargeyska daily Nation waxaa laga yaabaa in falal lidi ku ah amaanka ay ka dhacaan dalka Kenya,marka la gaaro doorashada dalkaasi,kuwaasi oo sida la xusay geysanaya dhalinyaro xariir la leh Al-Shabaab oo ku sugan gudaha Kenya.

Waxgaradka iyo siyaasiinta dalka Kenya ayaa ka walaacsan mustaqbalka dhacabka kenya sii socoshada falalka amaandari ee ka jira magaaloioyinka ugu muhiimsan ee kenya.

COMMENTS