November 26, 2014 | Posted by admin

172-500x292
Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya William Rutto oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Nairobi ayaa weydiistay beesha caalamka inay deg deg usoo fara galiyaan khilaafka ka dhex taagan madaxda Soomaaliya gaar ahaan M/waynaha iyo R/wasaaraha.
William Rutto waxaa uu sheegay in isaaminaad la’aanta dhex taala hadda M/weyne Xasan Shiikh iyo R/wasaare C/wali inay wiiqayso dadaalka ururka Midawga Africa, urur goboleedka IGAD iyo dawlada Kenyaba ugu jiraan nabadaynta Soomaaliya sida uu yiri waxaa uu caalamka baaq dheer ugu diray inay kala dhex galaan oo ay khilaafkaan dhameeyaan.
“Aad baanu uga walaacsanahay khilaafka ka dhex taagan madaxda Soomaaliya gaar ahaan M/weynaha iyo R/wasaaraha xilligaan oo dalku ku jiro waqti adag marka waxaan weydiisanaynaa beesha caalamka inay arrintaan soo dhex galaan si khilaafka loo dhameeyo” waxaa sidaas yiri M/weyne ku xigeenka Kenya William Rutto.
Rutto waxaa uu xusay inay hadda rajaynayeen dawlada Soomaaliya oo horey u socota kana shaqaysa nabadaynta iyo dawladnimada waxaana uu intaa ku daray in loo baahanyahay in isfaham waaga madaxda u dhaxeeya meesha laga saaro oo la abuuro Soomaaliya oo nabad ah ay si kumanaanka ruux ee qaxootiga ku ah Kenya ay dib ugu laabtaan.
M/weyne ku xigeenka Kenya hadalkaan sheegay kadib markii uu maanta qaabilay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibbadda dalka Slovakia oo arrimaha uu kala hadlay ay qaarkood Soomaaliya quseeyeen.
Beesha caalamka oo dawlada Soomaaliya taageerta si gaar ah ayaan si hoose uga hadlin khilaafka u dhaxeeya M/weynaha iyo R/wasaaraha oo xataa saameyn ku yeeshay kulamadii baarlamaanka Soomaaliya.

COMMENTS