March 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ka badan afar kun oo ciidamado nabad ilaalin ah in ay u diri doonto dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono ciidamada AMISOM, sida uu sheegay General Julius Karangi oo ah sarkaal sare oo military.

Ciidamada Kenya oo dagaal kula jira maleeshiyada al-Shabaab ayaa si toos ah ugu biiraya toddobaadkan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

General Julius Karangi ayaa sheegay in magdhow la siin doono qoysaska askarta ku geeriyoota howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee dagaalka.

Ciidamada AMISOM oo howlgalka nabad ilaalinta ka billaabay Soomaaliya 2007-dii ayaa waxa ay ka kooban yihiin dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti oo dhowaan ku biirtay, kuwaasi oo gacan siinaya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo guullo waaweyn ka soo hooyay dagaallo ay la galeen kooxda al-Shabaab oo ay gacanta ku dhigeen inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada dalka Kenya ayaa bishii October ee sanadkii hore galay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaallamaan maleeshiyada al-Shabaab oo ay ku eedeysay in ay afduubyo ka geysteen gudaha dalkeeda.

COMMENTS