April 25, 2014 | Posted by admin

Booliska Kenya ayaa sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada ka dhanka ah dadka sharcidarrada ku jooga waddanka. Afhayeenka Ciidamada Booliska Masudi Mwinyi oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in hawlgalkani hadafka laga leeyahay uu yahay in la sugo amniga xudduudaha Kenya oo dhan.

Dhinaca kalena, qaar ka mid ah ganacsatada xaafadda Islii ayaa aad uga wal walsan  dhaq dhaqaaq cusub oo ay dowaladda Kenya sheegtay inay ku xoojineyso howlgallada ay ku sugeyso amniga magaalada Naiobi, kaasoo ay dowladdu sheegtay in qaxootiga nooc walib uu yahay ay tahay inay ku laabtaan xeryaha.

Warbixinta iyo wareysiga ka dhageyso xagga hoose.

COMMENTS