November 23, 2014 | Posted by admin

141122223804_abdikadir_lawyer_640x360_bbc_nocredit
Al-Shabaab waxay qorshenaysay in Kenya ay ka abuurto dagaal diimeed, sidaasi waxa sheegay la taliye sare ee Madxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Cabdulqaadir Maxamed waxa uu ugu baaqay dhamaan shacabka Kenya, diin kasta oo ay haystaan, in ay muujiyaan midnimo oo ay ka soo horjeedsadaan waxa uu ku tilmaamay ‘fal dambiyeed’ ay geysatay Kooxda Shabaab.
Sabtidii, bas ka soo baxay Magaalada Mandera ee xadka la wadaagta Soomaliya ayaa la weeraray waxaana la toogtay 28 qof.
Kooxda shabaab ayaa sheegatay weerarkaas.
Wararku waxa ay sheegayaan in la kala soocay dadkii islaamka ahaa iyo kuwii aan ahayn, kaddibna la toogtay dadkii aan islaamka ahaayn.
Britain iyo Mareykanka ayaa cambaareeyey Weerarkaasi, waxayna ballan qaadeen in Kenya ay ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto argagixisada
Todobaadkii la soo dhaafay, booliska ayaa waxay albaabada u laabeen afar masjid oo ku yaala magaalada xeebta ku taala ee Mombasa, waxayna sheegeen in masaajidadaasi loo isticmaalayey in lagu keydiyo hub.
Kenya waxa ka dhacay weeraro tiro badan tan iyo markii ay ciidankeeda u dirtay Soomaliya 2011-kii.

COMMENTS