July 22, 2014 | Posted by admin

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo xiro Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulan maanta ka dhacaya Aqalka Baarlamaanka ayaa lagu soo xirayaa Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu soo xirayo fadhigaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka nawaaxiga Madaxtooyada dalka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala Madaxtooyada iyo mida horumarta Xarunta Baarlamaanka dalka lagu xiray gaadiidka gaashaaman ee Dowladda iyo kuwa Amisom.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa geliya fasax labo bilood ah, waxaana Baarlamaanka horyaala shaqooyin kala duwan oo ku aadan meelmarinta Shuruuc badan oo dalka u yaalo.

Bishii ugu dambeysay kulamada Baarlamanka Soomaaliya ma’aheyn kuwa si toos ah ushaqeeya, maadaama wixii ka dambeeyay markii lasoo weeraray Baarlamaanka 24-05-2014 ay Dareemeen Baarlamaanka cabsi badan oo ammaankooda ku aadan.

COMMENTS