March 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Tan iyo sidii loogu dhawaaqay Maamulka la magac baxay Khaatumo State oo deegaan ahaa ka soo jeedada Gobolada Sool, sanaag iyo cayn ayaa waxaa sii kordhaya nacaybka iyo ka soo horjeeda ay dadka deegaanka u qaban maamulka Soomaaliland oo awood ku qabsaday magaalada Laascaanood muddo laga joogo ku dhawaad 5 sano.

Waxaa shalay magaalada Laascaanood ka dhacay mudaharaadyo xoogan oo rasaas ay ciidamada Soomaaliland u adeegsadeen shacabakii.

Ciidamada Soomaliland ayaa si bereer ah rasaar ula dhacay dadka, waxaana wararku sheegayaan in tiro kabadan 10 qof ay ku waxyeeloobeen.

Dhinaca kale Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay si rasmi ah u aqoonsanyihiin Maamulka Khaatumo State uuna kamid noqon doono maamulka cusub ee la damacsanyahay inuu ka hirgalo dalka ee federaalsmiga ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad oon aan baal digaag lagu qarin karin in aan la is hortaagi karin doonista shacabka, waxaana cad maamul kasta oo xabad wax ku maquuniya inuu eedi.

COMMENTS