July 24, 2015 | Posted by admin

ansarka ku dhaca qanjirka manida ee raggu waxa uu ka mid yahay cudurrada si aadka ragga ugu dhaca, gaar ahaan kuwa ay da’doodu dhaaftay 60-ka gu’. Haddaba baaritaanno badan oo ay xeeldheera-yaasha caafimaadku ku sameeyeen daweynta Kansarkan ku dhaca qanjirkan oo afka qalaad lagu yiraahdo Prostate ayaa ay ku ogaadeen waxyaabo badan oo ay suurtogal tahay in ay yareeyaan khatarta cudurkan, waxaana ka mid ah qaabka cunto qaadashada, waana sababta ay takhaatiirtu isugu waafaqsan yihiin in ay qasab tahay in ninku caadadiisa cunto beddelo marka ay da’diisu Afartan sano gaarto, oo tusaale ahaan uu badsado cunista khudradda darayga ah iyo ta dabka gashaba labadaba, iyo in uu maalin kasta cabbo koob ah sharaab ka samaysan tamaandho la shiiday.
Daraasaddan uu Geeska Af soomaali u rogay oo ay faafisay majaladda Focus ayaa lagu sheegay in maadadda lagu magacaabo Lycopene oo yaanyada ku jirta ahna maadadda midabka casaanka ah u samaysaa ay leedahay awood ay ku weerarto Moleekuleyaasha (Molecules) xun ee jirka so ogala, taasina ay yaraynayso ama haddii muddo dheer cabbista sharaabkan la wado meeshaba ka saaraysa khatarta ah in qofkan uu ku dhaco cudurka kansarka noociisan ku dhaca qanjidhka xiniinyaha ee ragga.

Sababaha keeni kara kansarkan:

Khubarada qaar ayaa aaminsan in cimilada dalalku ay qayb ka noqoto sababaha oo uu cudurkani deegaannada qaar cimilada darteed ku badan yahay, hormoonka Testosterone oo ragga u gaar ah ayaa isaguna haddii nooc uun khalkhal ahi ku yimaaddo waxa uu keenaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurkani, gaar ahaan khalkhalka ku dhaca hormoonkani waa sababta ugu weyn ee dadka da’doodu yar tahay ku keena kansarkan qanjidhka manida.

Ka hortag fiican:

In ninku uu toddobaadkii saddex ama afar jeer sameeyo jimicsi ah ugu yaraan 45 daqiiqo ayaa ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee ka ilaalin kara in uu ku dhaco cudurkani.

COMMENTS