April 1, 2015 | Posted by admin

15D9C391-491F-44A2-9934-708C685F859C_w268_r1_cx0_cy5_cw0
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa uga mahadceliyay Talaadadii shalay guud ahaan shacabka dalkaasi fursadda ay horey u siiyeen inuu hogaamiyo, isagoo dhinaca kale qirtay in looga adkaaday doorashadii madaxtinimo ee Nigeria ka dhacday todobaadkan.

Hogaamiyihii hore ee Militariga Muhammadu Buhari oo ka tirsananaa mucaaardka ku bahoobay -All Progressives Congress ayaa laba malyuun oo cod kaga adkaaday Mr. Jonathan oo ka tirsan xisbiga talada hayay ee PDP.

Madaxweynaha talada ka sii degaya ayaa sheegay, inuu fuliyay balantii uu qaaday ee aheyd in doorashooyin cadaalad ah oo xur ah uu dalkaasi gaarsiin doono.

waxa uu ka codsaday cid kasta oo aan natiijada doorashada ku qancin ay u soo marto shruurcda dalkaasi u yaala ee dhinaca doorashada.

COMMENTS