February 27, 2015 | Posted by admin

150226130900_boletin_yihadista_640x360_afp_nocredit
Waxaa la aqoonsaday nin wajigu u daboolan yahay, oo loo yaqaanno Jihadi John, oo lagu arkay isagoo middi wata Fiidiyoowyada ay soo daayaan Daacish ee dadka ay madaxa ka jaraan.
BBC, ayaa fahamsan in magaciisa runta ah uu yahay Mohammed Emwazi. Wuxuu ka soo muuqday filimadii muujinayey dilal dhowr la hayste oo reer galbeed ahaa, waxaana ku jiray dadkaas James Foley oo American ah, Alan Henning oo ah shaqaale gargaar oo ingiriis ah, iyo saxafigii Japan ee Kenji Goto.
Waxaa la rumaysan yahay in Emwazi uu yahay Ingiriis ka yimid galbeedka London. Waxaa la aaminsan yahay in inuu tagey Somalia sanadkii 2006, uuna xiriir la leeyahay kooxda Al Shabaab.
Haras Rafiqi, oo ka tirsan hay’adda Quilliam Foundation oo fadhigeedu yahay London, ahna hay’ad cilmi baaris oo diirada saarta arrimaha Islaamka, waxaa uu sheegay in arrintan ay dharbaaxo ku tahay xiriirka ay jihaadoonayaashaas ay la leeyihiin shacabka.

COMMENTS