February 21, 2013 | Posted by admin

Subaxnimadii maanta ayaa qof meyd ah oo loo badinayo inuu qarax ku aasayay inta u dhaxeysa Isgoyskayada Sanca iyo Fagax ayaa saaka lagu arkay halkaas, iyadoo dad badani halkaas kusoo xoomeen.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa xalay laga maqlay agagaarka Masjidka Maana Xamsata ee ku dhow deegaanka SII-SII ee u dhaxeeya Sanca iyo Fagax.

Qafkan meydka oo jirkiisu kala go’go’ay ayaa saaka lagu arkay wadada laaamiga ah, waxaana dadka deegaanku saxaafada u sheegay iney rumeysan yihiin in qofka geeriyooday uu qaraxa aasayey.

Ma aha markii ugu horreysay ee qarax nuucaan ah uu haleelo qof la rumeysan yahay inuu qaraxaas dhigayey.

COMMENTS