February 21, 2013 | Posted by admin
Subaxnimadii maanta ayaa qof meyd ah oo loo badinayo inuu qarax ku aasayay inta u dhaxeysa Isgoyskayada Sanca iyo Fagax ayaa saaka lagu arkay halkaas, iyadoo dad badani halkaas kusoo xoomeen.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa xalay laga maqlay agagaarka Masjidka Maana Xamsata ee ku dhow deegaanka SII-SII ee u dhaxeeya Sanca iyo Fagax.
Qafkan meydka oo jirkiisu kala go’go’ay ayaa saaka lagu arkay wadada laaamiga ah, waxaana dadka deegaanku saxaafada u sheegay iney rumeysan yihiin in qofka geeriyooday uu qaraxa aasayey.
Ma aha markii ugu horreysay ee qarax nuucaan ah uu haleelo qof la rumeysan yahay inuu qaraxaas dhigayey.
COMMENTS

All Posts
BBC 0400 GMT








