March 8, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan qorshayaal ay ku wada shaqeynayaan guud ahaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed si loogu guuleysto sugidda amniga dalka

Shir jaraa’id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa wuxuu kaga warbixiyey socdaal shaqo uu dhowaan ku tagey qeybo ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan deegaanno hoos taga maamullada Puntland iyo Galmudug.

Jenaraal Saacid ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeeddada socdaalkiisa, wuxuuna ku macneeyey iney ahayd mid la xiriirta wax ka ogaanshaha xaaladaha ciidamada Booliska maamullada Puntland iyo Galmudug, si ay ciidammadaasi u helaan xuquuqda asaasiga ah.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo hadal qaaday kormeer uu ku sameeyey qaab ka mid ah xabsiyada ku yaalla maamulladaasi oo uu booqday ayaa sheegay iney lama huraan tahay in dib u habeeyn lagu sameeyo xabsiyada, islamarkaana dib loo eego maxaabiista, si ay u helaan xuquuqdooda nololeed.

Sareeyo Guuto Cabdixakiin  Daahir Saacid ayaa dhinaca kale sheegay iney wadaan qorshayaal ay ku wada shaqeynayaan guud ahaan ciidammada Booliska Soomaaliyeed si loogu guuleysto sugidda amniga dalka.

Ugu dambeyn Taliye ku xigeenkla ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdikariin wuxuu sheegay iney jiraan baahi guud oo ciidanka Booliska haysata, taas oo ah dhinaca qalabeynta, tababarrada iyo saldhigyada, baahidaas oo uu u gudbiyey Taliska, islamarkaana uu rajo weyn ka qabo in dhowaan la dabooli doono, waxaana uu intaa ku daray in hadda kaddib tababarrada ay ku bixin doonaan gudaha dalka.

COMMENTS