Jeneraal Jaaamac Maxamed Qaalib ayay wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa sheegayaan in lagu wado inuu dib ugu laabto Magaalada Hargaysa ee Jamhuuriyada la magacbaxday ee Somaliland oo uu ka soo jeedo.
Sanado fara badan oo uu Jenaralku ka maqnaa kadib ay haatan soo baxday inuu dib ugu laabanaayo Deegaanadii uu ka soo jeeday, iyadoo la filayo in maalmaha Ciida uu Jeneraalku gaaro Somaaliland, iyadoo sannadkii 2003 loo diiday inu ku noolaado Jeneraalka halkaasi.
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa waxaa lagu xiray Somaliland, waxaana lagu eedeeyay inuu ka soo horjeedo gooni isku taagga Somaliland, wuxuuna xiligaasi wixii ka dambeeyay ku noolaa Magaalada Muqdisho iyo Dalka Eritrea.
Siyaasigaan ayaa hada ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee garab ka mid ah Isbahaysiga dib u xoreynta oo ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed.
Jeneraalka ayaa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku sheegay inay tahay Dowlad uu cadow dhoodhoobay, wuxuuna sheegay inaysan ahayn xukuumad ka talisa dalka, islamarkaana uusan isagu aqoonsanayn.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay inay cafis u fidiyeen, iyadoo warar hoosena ay sheegayaan inay dhici karto inuu xil ka qabto maamulka uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo ee ku guuleystay Xilka Madaxtinimada Somaliland.

All Posts











