January 10, 2013 | Posted by admin

Jen Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.

Muqdisho: Gudoomiyihii hore ee maxkamadda ciidamada Qalabkasida ee Soomaaliya Jen Xasan Xuseen Mungaab ayaa qiray in musuqmaasuqii ugu weynaa ee ka dhaca garsoorka dawlada Soomaaliya uu hareeyay xabsiga dhexe ee Muqdisho oo laga siidaayey dembiilayaal dembiyo kala duwangalay iyo rag ka tirsanaa Al Shabaab.

“Waxaanu ogaanay markii aanu baaritaan sameynay in ninkii taliyaha ka ahaa ciidanka asluubta ee ilaalada xabsiyada uu xiriir la lahaa kooxda Al Shabaab uuna siideyn jiray dadka ka tirsan kooxdaasi ee la soo xukumo.” ayuu yiri Jen Mungaab oo wareysi siiyey idaacadda VOA.

“Waxaan helnay 14 nin oo la siidaayey oo 13 nin ay ahaayeen xubno Al Shabaab oo la yaqaano iyo nin dembiile ah oo kale.” ayuu sii raaciyey.

Mungaab wuxuu saxaafadda horey ugu sheegay in maxkamada ciidamada ay dabagal ku sameysay dhammaan kiisaska musuqmaasuqa ee ay geysteen dadka ku lugta leh garsoorka iyo ciidamada dawlada, isla markaana shaqada laga qaaday Jeneral Abdi Moxamed Ismacil

“Taliyaha asluubta waxaa toos ula soo xiriiri jirey rag ka tirsan Al Shabaab oo saraakiil sare ah oo dadka laga qabto ayuu u siideyn jiray lacagna wuu ka qaadan jiray, iyo dabxan dadka la xiro eheladoodana way ka gadan jireen maxaabiista, isagiina derejada ciidan ayaan ka qaadnay, xabsi daa’in waa lagu xukumay.” ayuu yiri Jen Mungaab.

Xukunka ku dhacay taliyihii hore ee ciidanka asluubta oo dhacay 18-kii Disembar 2012 ayaa waxaa lagu cadeeyay in taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Abdi Moxamed Ismacil  uu ahaa shakhsi ku xuean kooxda Al Shabaab.

Iibsiga maxaabiista

Inkastoo taliyihii hore ee xabsiga dhexe ee Muqdisho kaliya lagu eedeeyey iibsiga ay xirto dawlada ayaa haddana Raxanreeb waxay la kulantay shakhsiyaad la xiray oo eheladooda ay ku soo furteen lacago u dgexeeya 1,000$ illaa 2,000$ halkii ruux.

Lacagtaasi waxaa la sheegayaa inay qaateen saraakiil ka tirsan booliska, nabadsugida iyo ilaalada xabsiyada oo faa’iido weyn ku qaba iibsiga dadka la soo qabqabto xilliyada hawlgallada laga sameeyo goobaha ay dawlada maamusho.

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in la ceyriyey saddex garsoore.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada oo ay Raxanreeb la hadashay ayaa xitaa laftooda kacabanaya in xubno ka tirsan Al Shabaab oo ay yaqaanaan lana xiray ay haddana magaalada ku dhex arkeen iyagoo la yaabay sababta loo siidaayey, arrintaasoo xitaa dadka qaarkii ay u aaneeyan falalka amaandarrida ee ka dhaca caasimada.

Hase yeeshee waa markii labaad oo masuul ka tirsan laamaha garsoorka uu shaaca ka qaado in saraakiil ciidan oo dawlada ka mid ah ay ku keceen falal musuqmaasuq oo ka dhan ah hawsha garsoorka.

Labo maalmood ka hor ayaa gudoomiyaha maxkamadda sare  garsorka laga ceyriyay saddex garsoore oo maxkamadda sare ka tirsanaa oo siidaayey nin dil u geystay labo dhakhtar oo u shaqeynayey hay’adda MSF xafiiskeeda Muqdisho.

Hay’adda MSF ayaa markii warkaasi uu soo baxay waxay dawlada ka dalbatay in soo kala cadeyso wararka muujinaya in ninkii dilay labada dhakhtar la siidaayey iyo inuu jirey xukun 30 sano ah oo ay horey maxkamad ugu xukuntay ninkaasi oo ahaa muwaadin Soomaali ah kana tirsanaan jiray shaqaalaha hay’adda MSF balse uu ismaandhaaf dhanka shaqada dhexmarey.

COMMENTS