October 8, 2012 | Posted by admin

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay inay rajeynayaan in dhowaan ay isku furaan wadooyin badan oo xiriirisa gobolada dalka Soomaaliya, kadib markii shalay Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen degmada Wanlaweyn oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Isagoo ku sugan Wanlaweyn ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ka saari doonaan meel walba oo ka mid ah dalka, isla markaana qorshahooda yahay in magaalooyinka dalka la isku furo.

“Kooxaha jid iyo jaha diidka meel ay jaan cirib dhigi doonaan ma jiri doonaan, waxaa rajeyneynaa inaan isku furo meelo badan oo wadooyinka ah, sida Baydhabo, Muqdisho, Beledweyn iyo Kismaayo” ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa sheegay in qabsashada Wanlaweyn ay muhiim u tahay sidii wadada dheer ee Muqdisho iyo Baydhabo isugu furi lahaayeen, isagoo xusay in dhowaan ay ku wajahan yihiin deegaanada kale ee xiga Wanlaweyn.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in qabashadii Wanlaweyn ay u suura gelin doonto inay isku furaan Muqdisho iyo Baydhabo oo ka howl geli doonaan Cutubyo ka tirsan AMISOM.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ay si nadiif u isticmaali doonaan, isla markaana Ciidamadooda ay isu kala gooshi doonaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhowaanahan waday qorshayaal milateri oo ay kula wareegayeen deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, iyadoo dhamaadkii bishii hore ay qabsadeen magaalada Marka oo xarun u ah Shabellaha Hoose.

COMMENTS