November 21, 2014 | Posted by admin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in uusan qabsoomi doonin mooshin ka dhan ah raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inta ay sii socdaan rabshadaha ka dhacaya kulamada baarlamaanka.
Wuxuu tilmaamay in hab-dhaqanka xildhibaannada uu niyad-jab ku noqonayo shacabka Soomaalida, isagoo xusay inay wanaagsan tahay in ay mudanayaasha u ekaadaan mas’uuliyiin gudanaya waajibaadkooda qaran.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay inuu isagu shakhsiyan ku howlan yahay uuna ku rajo weyn yahay xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo raysul wasaaraha.
Jawaari ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ah ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii xal looga heli lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda.

COMMENTS
  1. Korey Passey said:

    I really like the dress but know you would search fab in both! I cannot believe every little thing in the store is going to be 1/2 off! WOW, wish I lived closer because I really like The Limited.