September 7, 2015 | Posted by admin

150906061126_migrant_police_munich_624x351_getty
Dowladda Jarmalka waxa ay ku dhawaaqday inay qaadayso tallaabooyiin lagu caawinayo muhaajiriinta dalkaasi ku qulqulaya si ay wadanka ula qabsadaan.
Waxaa ka mid ah tallaabooyiinkaasi in maamul goboleedyada iyo degmooyiinka la siiyo seddax bilyan oo dollar oo dheeraad ah.
Waxay sidoo kale lagu dhawaaqay in hannaanka aqbalidda codsiyada megengelyada la dedejiyo, si hoy iyo lacagaha loo qoodeeyay si loo siiyo dadka cusub ee imaanaya.
Arrimahan ayaa lagu dhawaaqay kaddib kullan shan saacadood qaatay oo hogaamiyaha dalkaasi Angela Merkel ay la yeelatay axsaabta xiriirka la leh.
Qiyaastii 18 kun oo qof ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay dalka Jarmalka gaaray, kaddib markii dalalka Austria iyo Hungary ay fududeeyeen shuruucdooda megengelya doonka ah.
Axaddii, la soo dhaafay, seddaxda dal waxay isku raaceen in la fududeeya xeerarka si muhaajiriinta loogu ogolaado inay gaaraan meesha ay doonayaan iyadoo aan laga diiwaan gelin dalka ugu horeeya ee ay gaaraan.

COMMENTS