February 23, 2015 | Posted by admin

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xirtay xadka ay la wadaagto maamulka Somalilamd, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Salal ee maamulka Somaliland, C/risaaq Waabari Rooble.

Mas’uulkaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta loo xiray cuduuda ay tahay cabsi amaan iyo dhibaatooyon laga baqayo in Alshabaab halkaas ka sameeyaan sida uu yiri.

Wararka ayaa sheegaya in sirdoonka Jabuuti soo gudbiyey in laga yaabo in shaqsiyaad ku soo dhuuntaan gaadiidka xadka u kala gudba, dhibaatana u geystaan Jabuuti.

C/risaaq Waabari Rooble ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay xadka shalay xirtay islamarkaana maanta ilaa shalay uu xiran yahay, wuxuuse xusay in la furi doono oo uusan sii xirnaan doonin.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in sababto ay tahay adkeynta Amaanka, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Jabuuti iyo Somaliland ay iska warqabaan xiritaanka xaduuda.

“Somaliland iyo Jabuuti wey ka warqabaan arrinta, waxaa jira gobolka ka jira cabsi laga qabo in wax dhacaan oo waxaa jira niman la yiraahdo Alshabaab, marka sidaas ayaa xadka loo xiran mana sii xirnaan doono” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Dadka ku nool xadka Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxaaybo khudaartu ka mid tahay looga keeni jiray dalka Jabuuti, kuwaasoo xiritaanka soohdintu saameyn weyn ku yeelatay.

Bartamihii sanadkii hore 2014 waxaa magaalada Jabuuti ka dhacay qarax lala eegtay goob ay ku caweeyaan dadka reer galbeedka ah waxaana ku dhintay dhowr qof oo Ajaanib ah waxaan sheegtay masuuliyada qaraxaas Ururka Al-shabaab.

COMMENTS