December 14, 2011 | Posted by admin

DUHUR-Wadanka jabuuti waxaa saaka ka soconaya qaban qaabo xoogan oo ku aadan sidii ay ku sii dhaqaaqi lahaa guutaduu koowaad ee cuuudamo dalkaasi ka socda oo soo garaya gudaha wadanka Soomaalia.
Dowlada dalka jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadan la filayo in ay soo gaaraan wadanka Soomaalia qeyb weyn ka noqon doonaan ciidama midowga africa ee ku sugan Soomaalia.
Xero ku taala meel dulleedka 20km uga beegan magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi Jabuuti ayaa ah halka ugu xoogan ee ay saaka ka soconeyso qaban qaabada ay dowlada Jabuuti ku dooneyso in ay ciidamo dalkeeda ka socda ku soo gaaraan wadanka Soomaalia.
Goobta ciidamada ay ugu soo xer xeranayaan qalabkii ay ugu soo kicitimlahaayeen Soomaalia ayaa waxaa la filayaa inuu saaka tago Madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Cisman Cumar Geele,waxaana la sheegay in markii uu halkaasi tago ka jeedin doono qudbad dar daaran ah ee ciidamo uu kula hadlayo.
Arinta soo diritaanka ciidamada ka socda dalkaasi Jabuuti uu jaar la ah Soomaalia ayaa waxay imaaneysaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kulamo xoogan ka socdeen dalkaasi Jabuuti kaasi oo ay lahaayeen wefdi ka socda dowlada federaalka Soomaalia iyo dowlada Jabuuti kaasi oo ay kaga xaajoonayeen soo dirista ugu dhaqsiyaha badan ee ciidamada soo gaaray wadankan Soomaalia.
Dowlada jabuuti oo marar badan qabatay shirar looga xaajoonayo xasilinta dalka Soomaalia ayaa tallaabadaan ay ciidamada ku soo direyso waxay ku sheegtay in ay tahay mid ay ku taageereyso dowlada federaalka Soomaalia iyo ciidamada Amison oo dagaal kula jira kooxda Shabaab.
COMMENTS