November 23, 2012 | Posted by admin

Munaasabad xariga looga jarayay Jaamacad cusub ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,  iyadoo Jaamacdaasi lagu baran doono culuumta islaamka iyo aalada tignoolajiyada.

Munaasibadan oo daaho looga rogayay Jaamacad cusub  oo loogu magic darray Daha, i sla markaana ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay mudanayaal  ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, madaxda Jaamacaddan cusub, aqoon yahanno, Ardayda Machadka Daha ee hadda Jaamacadda loo badelay iyo mar kale, waxaana lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta khudbadaha ka jeedisay madaxa munaasibada waxaa ka mid ahaa xildhibaan Sheekh C/qaadir Baqdaadi, waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay furitaanka Jaamacadda Daha, isagoo intaa raaciyay in ay soo dhaweynayaan, isla markaana dowlad ahaan ay la garab taagan yihiin wax walba oo lagu horumarrin karo tayada Jaamacadda.

Sidoo kale Cabdi Karam oo ka mid ah macalimiinta Jaamacadda cusub ee Daha ayaa  ka warramay doorka Jaamacaddan iyo u jeedada Jaamacadda iyo qeybaha ay ka kooban tahay, isla markaana ay soo dhaweynayaan qof walba oo doonaya in uu ku soo biro.

Jaamacada Daha waxa ay qeyb ka noqoneysa Jaamacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho, hasa yeeshee waa Jaamacadda kaliyah ee maadooyinkeedu ay ku saleysan yihiin sare u qaadidda Culuumta Islaamka iyo horumarrinta Aaladda Technology-da casriga ah.

COMMENTS