May 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ayaa sheegtay inay waddo qorshe ay ku mideynayso dhowr jaaliyadood oo Soomaali ah oo ka dhisan Kenya, iyadoo kulamo la qaadatay qaar ka tirsan jaaliyadaha oo ay arrintaas kala hadashay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko ayaa Bar-kulan u sheegay in jaaliyadaha uu la kulmay ay ka oggolaadeen in la mideeyo, isagoo xaqiijiyay in dhowaan la qaban doono xaflad lagu sameynayo hal jaaliyad lagu dhan yahay.

Danjiraha ayaa toddobaadkan gudihiisa ka qeyb galay xaflad lagu mideeyay dhowr iyo soddon urur oo dhallinyaro Soomaali ah ay ku aasaaseen Kenya.

Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in jaaliyadda ay ku midoobaan Soomaalida ay si toos ah u hoos imaan doonto safaaradda Soomaalida ee Kenya.

COMMENTS