January 16, 2012 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay gudoomiyihi Ahlu Sunna ee gobolka Hiiraan, Aadan Cabdulle Cawaale iyo C/karin Xasan Afrax oo sheegta madaxweynaha maamulka Dooxada Shabelle ee gobolka Hiiraan. Labadan mas’uul ayaa loo xiray dagaal ay maleeshiyo kala taabacsan shalay ka sameeyeen duleedka magaalada Baladweyne taasi oo sababtay qasaaro nafeed oo soo kala gaaray labada dhinac iyo qal qal ku yimid amniga magaalada.

Wariyaasha ku sugan Baladweyne ayaa sheegaya in C/lariin Xasan Afrax la weydiiyey su’aalooyin oo qura, laakin Aadan Cabdulle Cawaale oo ay Ahlu Suna u soo magacawdeen gobolka Hiiraan ayey Itoobiyaanku aad ugu caroodeen kaasi oo ay ku sheegeen nin qas ka wado gobolka Hiiraan.

Labada maamul ayaa midba sheeganaya inuu qabsaday magaalada Baladweyne oo la ogyahay in ay Al Shabaab xoog uga saareen ciidamada Itoobiya. Dhanka kalana 15 askari oo ka tirsan kuwa taabacsan dowlada KMG Soomaaliya ee magaalada Baladweyne ayaa la xiray kadib marki ay dhaawac u geysteen askari Itoobiyaan ah oo ay si kama ah isugu dhaceen marki ay kala shakiyeen xalay.

COMMENTS