December 12, 2012 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Heila Marian Dieseling ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho jabhada ONLF ee dagaalka kala soo horjeeda.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Jabhada ONLF ee Ogdania laakiin waa inay ogolaadaan sharciga wadanka u yaal.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay si meesha looga saaro dagaalada u dhaxeeya ONLF iyo Ethiopia muhiim inay tahay in wadahadal la galo.

Wuxuu tilmaamay inay wanaagsan tahay in wax waliba wada hadal lagu dhameeyo si meesha looga saaro dagaalka islamarkaana lawada sugayo natiijada wada hadalka wixii kasoo baxa.

ONLF iyo Dowladda Ethiopia ayaa muddo ku dagaalamaye meelo kala duwan oo kamid ah dalka Soomaaliya iyo dhulka Dowladda deegaan Soomaalida kilinka Shanaad.

Jabhada ONLF ayaa u dagaalamaysa Dhul ay Dowladda Ethiopia xoog ku haysato islamarkaana maamulo Soomaali ah oo Ethiopia hoostaga halkaasi ay ka dhiseen.

COMMENTS