June 5, 2015 | Posted by admin

150506213032__israeli_prime_minister_benjamin_netanyahu__554x351_reuters
Israa’iil oo ka xanaaqday heshiiska shirkadda Orenge
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu Faransiiska ugu baaqay inay ka fogaato shirkadda isgaarsiinta ee Orenge, kaddib markii ay ku hanjabtay inay jareyso xiriirka ay Israa’iil la leedahay.
Madaxa fulinta shirkadaasi, Stephane Richard, ayaa sheegay mar uu booqday magaalada Qaahira, inuu doonaayo in la soo afjaro heshiiska shirkadda ornge kala dhexeeyo Israa’iil, gaar ahaan qeybta Daanta galbeed ee Israa’iil ay xoogga ku haysato.
Mr Netanyahu ayaa hadalka Mr Richard ku tilmaamay, wax laga naxo.
Waxa uu si adag u sheegay in uu “Ugu baaqayaan dowladda faransiiska inay iska fogeyso hadalkan laga naxo, iyo tallaabadan qalloocan ee shirkadda oo qeyb ahaan ay leedahay dowladda Faransiiska ay ku dhawaaqday”.
Mr Netanyahu ayaa Sidoo kale tilmaamay in “dalalka saaxibadeena ah ugu baaqayaa inay cod dheer oo cad ay ku diidaan nooc kastoo qaadacaad ah oo dhan ah qaranka Israa’iil”.
Wasiirka dhaqanka ee Israa’iil ayaa dhankiisa waxa uu faransiiska ka dalbday in madaxa shirkadda Isgaarsiinta ee Orenge shaqada laga ceyriyo.
Miri Regev ayaa dowladda Faransiiska oo saamiga ugu badan ee shirkaddan leh u sheegay inay muujiso sida aysan ugu dulqaadaneyn Yuhuud-neceybka.

COMMENTS