Waxaa maanta uu iska horimaad ku dhexmaray wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.
Dagaalkaasi ayaa ka dhashay markii shaqaale ay dowladu soo dirtay isku dayeen inay dayactir ku sameeyaan laamiga warshadaha gaar ahaan nawaaxiga kuliyada Jaale Siyaad oo ay degan yihiin ciidamo AMISOM ah.
Lama OGA khasaaraha ka dhashaya ayaa waxaa hadana dagaalkaasi uu sababay inuu waqti kooban xirmo isticmaalka baabuurta ee wadadaasi oo ah halka wado ee Muqdisho ka furan xiligaan markii wadadii Debka ay hore u xirantay.
Sheekh C/risaaq Qeylow Afhayeenka wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka dhacay uu yimid markii ciidamo Xarakada Al-Shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen sida uu sheegay ciidamo dowladda ka tirsan oo ilaalo ka ahaa dayactir lagu sameynayay qeybo ka mid ah wadada warshadaha.
“Ciidamada amaanka ayaa kala eryay hadana howshu way socotaa” ayuu yiri Sheekh C/risaaq Qeylow oo si weyn ugu eedeeyay xarakada Al-Shabaab inay hore u soo xireen wadada isku xirta suuqa bakaaraha hadana ay weerar ku yihiin dayactirka lagu sameynayo wadada warshadaha.
Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee aan helnay ayaa sheegaya in wadadu dib u furantay is rasaaseynta kadib baabuurtuna ay caadi u adeegsanayaan wadadaasi.

All Posts










