May 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ku dhawaad Labo askari oo ka tirsan booliska Puntland iyo qof rayid ah ayaa dhaawacmay kadib markii waqooyiga magaalada Gaalacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya uu ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeyo booliska Puntland iyo koox dabley ah.

Taliyaha qeybta booliska Puntland ee gobolka Mudug Gaashaanle Sare Jaamac Maxamed Axmed “Sandaqad” ayaa sheegay in iska hor-imaadka uu yimid kaddib markii booliska Puntland ay magaalada Gaalkacyo ka sameeyeen howl-gal ay ku doonayeen in ay ku qabtaan nin ganacsade ah oo looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Sandaqad ayaa intaasi raaciyay in labo nin oo lagu soo xiray howlgal toddobaadkii hore laga fuliyay Gaalkacyo ay booliska ku war-geliyeen in ninka saakay la doonayay in la xiro uu la shaqeyn jiray iyaga.

Waxaa weli kacsan xaaladda waqooyiga magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in booliska ay soo rogaal celiyaan si ay mar kale isugu dayaan qabashada ninkaasi.

COMMENTS