December 2, 2012 | Posted by admin

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga qaaday isbaaradii ugu weyneyd ee taalay duleedka dhanka koonfureed looga baxo Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku guuleesteen inay qaadaan isbaaradii ugu weyneyd ee Ex-control Afgooye halkaasi oo gaadiidka lacago lagaga qaadi jiray.

Waxaa goobtaasi saxaafada kula hadlay Afhayeenka ciidamada Ex-control Afgooye ee Dowladda Soomaaliya Axmed Yare kaasi oo sheegay in guud ahaan aysan jirin iminka isbaaro taalo Degmada Islamarkaana ciidamada ay iska joogaan halkaasi.

Wuxuu sheegay in saaka aroor hore ay ku dhaqaaqeen halkaasi kadibna intii ay ku guda jireen howlgalka ciidamada ay soo qab qabteen rag si dhuumaaleysi ah isbaarada u dhiganaye inkastoo uusan sheegin tiradooda.

Isbaaradaan maanta la qaaday ayaa waxa ay noqonaysaa tii ugu weyneyd ee taalaya Magaalada Muqdisho oo maanta ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay ku guuleesteen inay qaadaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaciyay in Muqdisho ay yaalaan 60-isbaaro islamarkaana mid aan lagu arki karin Muqdisho gudaheeda.

COMMENTS