March 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Waxaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo Macalin Nuurow Maxamed Nuur oo ay walaalo ahaayeen Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Marxuumka la dilay ayaa waxa uu u shaqeyn jiray shirkadda Hormuud xarunteeda Baydhabo, iyadoo ay dileen dabley aan weli la ogeyn cidda ay ka tirsanyihiin iyo sababaha ay u dileen marxuumka intaba.

Ninkan la dilay ayaa waxa uu ahaa matooriiste muddo u soo shaqeynayey shirkadda Hormuud, kaas oo ku noolaa magaalada Baydhabo muddooyinkii ugu dambeeyay. Waxaana la sheegay in markii uu dilku dhacay ka dib ay goobta soo gaareen ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaan la xiriira inay gacanta ku soo dhigaan ciddii dilka geysatay, inkstoo aan la sheegin cid ay u qabteen dilka loo geystay Marxuumka la dilay.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay 2 xaas iyo 6-carruur ah, dilka loo geystay marxuum Macalin Nuurow ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay dagaalo xoogani ka dhaceen maalintii doraad aheyd duleedka magaalada Baydhabo halka loo yaqaano Bohol Raarta iyo weliba deegaanka Yurkud oo isna isla gobolka Bay ku yaalo.

COMMENTS