March 27, 2015 | Posted by admin

Diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ayaa maanta mar kale duqeeyay jabhadda Xuuthiyiinta ee Yemen.

Duqaynta diyaaradaha Sucuudiga ayaa waxaa barbar socda taageero beesha caalamku u muujisay madaxweynaha Cabd-Rabbu Mansuur Haadi.

Saraakiil ayaa sheegay in duqaynta diyaaradaha Sucuudiga oo bilaabantay xilli dambe oo xalay ahayd lala beegsanayay xaruumo miltari oo ay Xuuthiyiintu hore u qabsadeen.

Dalalka Jordan, Masar iyo Suudaan ayaa xaqiijiyay in ay duqaynta ka qayb qaateen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegay inay tixgalinayaan codsi uga yimid Sucuudiga oo lagu doonayo ciidamo dalkaasi ka socda.

Wakaaladda wararka ee Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Morocco ay dalbatay inay ku biirto hawlgalka.

Tilifishanka laga leeyahay sucuudiga ee al Carabiya ayaa isaguna sheegay in dawladda Sucuudigu ay diyaarisay 150 kun oo ciidan ah iyo 100 diyaaradood.

Dawladda Iran oo aanay isku fiicnayn Sucuudiga isla markaana lagu eedeeyo inay taageerto Jabhadda Xuuthiyiinta ayaa cambaaraysay duqaynta, waxaanay sheegtay in talaabadan miltari ay sii xumayn doonto qalaalaasaha Yemen.

COMMENTS