November 1, 2012 | Posted by admin

Magacaayadaa Wasiirada Dawladihii ugu horeysay ee Soomaliya 1960-1969.
Luulyo 12 ,1960 Waxaa Cabdirashiid Cali sharmarke ku dhawaaqay,
Dawladii ugu horeysay waxaana Madaxweyne ka ahaa dawladan

Aadan cabdulle Cismaan oo ahaa Madaxweynihii ugu Horeeyey ee
Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya Illaahay naxriistii janno haka
Waraabiyo.

Dawladan oo ka koobnayd 14 Wasiir oo kala ahaa sidan

1. Dr Abdirashiid Ali sharmaarke
Ra’iisul Wasaare

2. Cabdi Xasan Buuni
Ra’iisul wasaare ku xigeen

3. Axmed Xaji Ducaale
Wasiirka Wasaarada Beeraha

4. Cali Garaad Jaamac
Wasiirka Wasaarada waxbarashada

5. Cabdulllahi Ciise Maxamuud
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda

6. Cabdirasaaq Xaaji Xuseen
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha

7. Cabdulqadir Maxamed Aaden
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

8. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiirka wasaaradda Shaqada & Gaadiidka

9. Cali Maxamed Hiraabe
wasiirka wasaaradda warfaafinta

10. Cismaan Maxmuud Ibraahim
Wasiirka Wasaaraha hawlaha Guud

11. Sh.Cali JImcaale Baraale
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Xoolaha

12. Sh.Cabdulle Aw Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga

13. Maxamuud Axmed Maxamuud
Wasiirka Wasaarada garsoorka

14. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.

Fiiro Gaara:- Dawladani waxay ku guulaysatay inay qotomiso jiritaanka qaranimada Qowmiyada Ummadda Soomaaliyeed in aan lagu gardaroon ooy leeyiihiin xuduudo iyo xeer Dastuuriya oo laga aqoonsanyahay Qarama Midoobay, Calanka Soomaliyeedna ka dhex babaddo calamada qaramada caalamka Adduunka .

Dimoqraadiyadu waa caano ee yayna inaga daadan ( Madaxweyne Aaden cade )
Wuxuuna noqday Madaxweynihii Ugu horeeyey ee Africa ee iska dhiiba Xukunka
————————————————————————-

Doorashdii ugu horeysay ee Xisbiyo ee Soomaliya ka dhacda waxaana Ka qayb galay Xisbiyo tiro badan Juun,1964tii Waxaa ku guulaystay Xisbigii SYL Madxweyne Aaden Cadulle Cismaan Wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuuna soo Magacaabay dhismo dawlad ka kooban

12 Wasaaradood iyo Wasiiradooda waxayna kala ahaayeen Sidan:.

1. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Dimoqradiga ee Soomaliya

2. Axmed Yuusf Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda

3. Aaden Isaaq Axmed Iidle
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga

4. Cabdulqaadir Maxamed Aaden
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

5. Cawil Xaaji Cabdullaahi
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

6. Cismaan Maxmuud Cadde
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga

7. Cali Cumar Sheegoow
Wasiirka Wasaaradda Garsoorka

8. Sh. Cabdulle Aw Maxamed
Wasiirka Wasaarada Igaadhsiinta iyo Hawlaha Guud

9. Kanadiid Axmed Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad

10. Jaamac Maxamed Ciise
Wasiirka Wasaaradda Beeraha

11. Yuusuf Aaden Maxmuud
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta

12. Sh. Maxmuud Sh., Faarax
Wasiir Bilaa Wasaara ( ma lahayn wasaarad )

————————————————————————-

Bishii 7aad 1964 Dawladan waxaa soo kala dhexgaly Khilaaf Kaas oo loogu magacdaray hadaan soo koobno cod Khasaaray ama cod xumaadayWaxaana ka dhashay in Wasiiro xilka laga qaado oo Wasiiro cusub Lagu badalo kuwa la magacaaby waxaa ka mid ahaa.:

1 Cali Cumar Sheegow
Wasiirka Wasaaradda qorshaynta

2 Ismaaciil Ducaale Warsame
Wasiirka Wasaaradda Beeraha

3..Cabdirhman Xaaji Muumin
Wasiirka Wasaarada Garsoorka

4. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiir bilaa Wasaara ( wasiirka heehaaba )
ma lahayn Wasaarad iyo xafiis toona

Fiiro gaara :
Dawladan waxay ku guulaysatay inay qalinka ku duugto in Xeebtii Soomaliyeed ee Faransiisku Gumaysto ee Djibouti Madaxbanaani Qaadan karto ayna gu’i karto oo laga ansaxiye Golaha Dawlada. Siyaasiyiinta Soomaaliyeedna Badankoodu waxay
isku raaceen in dawladani ahayd maamul dawleed maamulkii ugu fiicnaa dawladihii soo maray Soomaaliya.

————————————————————————

Magacaanta Wasiiradda Dawladii Cabdirashiid Cali Sharmarke 1967-1969
10 juun 1967 Waxaa ra’iisul Wasaare noqday Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Illahay naxariistii janno haka waraabiyo wuxuuna soo dhisay dawlad cusub oo ka koobnayd 17Wasaaradood iyo Wasiiradooda waxaana Madaxweyne noqday
Cabdirashiid Cali sharmaarke Illaahay ha u naxriistee Wasiirada la magacaabay waxay kala ahaayeen sidan :

1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Ra’iisul Wasaaraha & Wasiirka arrimaha Dibedda

2. Cali Cumar Sheegoow
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda

3. Yaasiin Nuur Xasan Bidde
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha

4. Yaxya Yuusuf Iimaan Guuleed
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga

5. Xaaji Faarax cali Cumar
Ra’iisul Wasaare kugeen & Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

6. Xasan Xaaji Cumar Camay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

7. Cali Maxmed Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada

8. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud

9. Xareed Faarax Nuur
Wasiirka Wasaaradda is Gaadhsiinta iyo Gaadiidka

10. Aaden Isaaq Axmed
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

11. Cali Caliyoow Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

12. Ismaaciil Ducaale Warsame
Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda

13. Cabdulahi Maxamed Qablan
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta

14. Aaden Shire Jaamac
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arimaha Diinta

15. Maxamed Cali Dacar
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

16. Cali Maxamed Hirabe
Wasiirul dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

17. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Maalgalinta iyo Horuumarinta.

Dawladan mar labaad ayaa dib loogu noqday halkan kagama sheekayn karno oo waa taariikh dheer, Laakiin waxaa mar labaad loo dhaariyey Maajo 1969kii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya Illaahay ha u naxariistee inuu mar labaad soo dhiso dawlad Cusub wuxuuna soo dhisay dawlad ka koobnayd 16 Wasaradood iyo Wasiiradooda Waxayna kala ahaayeen sidan :

1. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
Ra’iisul Wasaaraha & Wasiirka Arimaha dibedda

2. Hilowle Macallin Maxamed
Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiga

3. Suufi Cumar Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

4. Yaasiin Nuur Xasan Bidde
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

5. Aaden Isaaq Axmed
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

6. Aaden Shire Jaamac
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arrimaha Diinta

7. Xaaji Muuse Boqore
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

8. Micheal Mariano
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta

9. Jaamac Gaani Axmed
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud

10. Cabdillaahi Ciise Maxamuud
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11. Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

12. Maxamed Sh.Maxamed Sh.Dahir
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada

13. Cali caliyoow Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta

14. Xirsi Bulxan Faarax
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha

15. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga iyo Horuumarinta Bulshada

16. Cabdillahi Maxamed Hiirad
Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Magacyada Wasiirada 1960-1969kii & Magacyada Golihii sare ee Kacaanka ee Dawladii Generaal Maxamed Siyaad Barre.

Magacaanta Wasiirada iyo Golihii sare ee Dawladii Maxamad Siyaad Barre
Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed wuxuu afgambi ku qabsaday dawladii
uu Madaxweyne Abdirashiid Cali Sharmaarke Xukumaayey oo Ra’iisul Wasaare
u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Egal . Dhamaantoodba Illaahay ha u naxariistee.

General Maxamed Siad Barre
Saarakiishiisi waxay soo Magacaabeen Gole ka kooban 25 Sarkaal oo ka mid ahaa sarakiishii ugu awooda Badnayd xiligaas isla markaana ahaa Sarakiishii Samaysay Afganbiga. Waxayna kala ahaayeen sidan.
1 Sareeye Gaas . Maxamed Siyaad Barre
2. Sareeye Gaas. Jaamac Cali Qoorsheel
3. Sareeye Guuto. Maxamed Caynaanshe Guuleed
4. Gashaanle sare. Xuseen Kulmiye Afrax
5 .G/Le Dhexe. Maxamed Sheekh Cusmaan
6. G/Le Dhexe. Maxmuud Maxamed Mire
7. G/Le Dhexe. Maxamed Cali Samatar
8. G/le Dhexe. Maxamed Cabdalla Faadil
9. G/Le Dhexe. Maxmuud Geelle Yuusuf
10. G/Le Dhexe. Salaad Gabeyre Kediye
11. G/Le Dhexe. Axmed Maxmuud Cabdulle
12. Gaashaanle. Axmed Maxuud Faarax
13. Gaashaanle. Ismaaciil Cali Abokor
14. Gaashaanle. Maxamed Cali Shire
15. Gaashaanle. Cali Mataan Xaashi
16. Gaashaanle. Muuse Rabiile Good
17. Gaashaanle. Faarax Wacays Dhuule
18. Gaashaanle. Axmed Suleymaan Cabdalla
19. Dhame . Cabdi Warsame Isaaq
20. Dhame. Bashiir Cilmi Yuusuf
21. Dhame. Cabdirisaaq Maxamuud Abokor
22. Dhame. Cabdulqadir Xaaji Maxamed
23. Dhame. Maxamed Cumar Jees
24. Dhame. Axmed Xasan Muuse
25. Dhame. Cusmaan Maxamed Jeelle

COMMENTS