April 30, 2015 | Posted by admin

Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdulcaziz ayaa walaalkiisa ka yar ka qaadey xilkii dhaxal sugaha, waxaana uu xilkaas u magacaabey wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Amiir Maxamed bin Nayef bin Cabdulcaziz, isagoo isla markaa ku xigeenka dhaxal sugaha labaad u magacaabay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo hadda ah wasiir difaaca, ahna ninka ku indha cad-cad dagaalka Yaman

Wareegtada isku shaandheynta oo aroor hore lagu dhawaaqay ayaa xeereysa in xilkii laga qaaday dhaxal sugihii hore ee ay walaalaha ahaayeen Amiir Muqrin, waxaana la sheegey in uu sidaas codsadey Muqrin bin cabbdul caziz .. Dhaxal sugihii la xeeriyey in xilka laga qaado Amiir Muqrim ayaa hooyadiis tahay Yamaniyad .. waana caado in qofkii xil laga qaado la yiraahdo isagaa codsaday, waxaa kalo wereegtadaa ku cad in amiir Sacuud Bin Feysal laga qaaday xilkii wasiirka arimaha dibada booskiisana la geeyey safiirka sacuudiga u fadhiya Washinton

Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis, ayaa xilka la wareegay isaga oo la sheegayo in caafimaadkiisu aanu wanaagsneyn, waxaana ka mid ah cudurarada uu la tacaalayo Xusuus darro (Dementia), isaga cimriguusu madaxa la galay 80 sano.

COMMENTS