February 5, 2013 | Posted by admin

London– Dowladda ingiriiska ayaa Seddex Million oo Bond  ugu deeqday Soomaaliya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqanayay dalkaasi.

Dhaqaalaha dowladda Briten ay ku deeqday ayaa 1.47 Million ka mid ah waxa ay ku bixi doontaa howlaha dowladda Cusub iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoona 1.5 Million lagu caawin doono in Gar gaar lagu siiyo 60 kun oo isugu Jira Caruur iyo Haween Nafaqo darro laliita.

Dhanka kale dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in 63 Million oo Gar gaar ah ay u ballan qaadeyso Soomaaliya in ay siiso sanad kasta taasi oo wax looga qaban doono shaqo la’aanta wax barashada iyo Caafimaadka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tagi doono Magaalada London bilaha soo aadan si ay halkaasi uga soo helaan Tababarro iyo talooyin la xiriira howlaha Baarlamaanka Caalamiga ah iyo dastuurka howlahaasi oo dowladda briten ay kala kaashan doonto dowladda Norway

COMMENTS