September 1, 2014 | Posted by admin

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) ayaa maanta la kulmay taliyaha ciidammada Maraykanka u qaabilsan Afrikada Bari, Mr. Wen Chrism iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii ciidammada Maraykanka ee Afrikada Bari ay ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya uga taageeri lahaayen tababarrada iyo tayo galinta kale ee ay u baahan yihiin, sida uu warbaahinta u sheegay Gen. Indho Qarsho.
Taliyaha Xoogga ee Soomaaliya, Gen. Indho Qarsho ayaa xusay in uu booqan doono saldhig ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin ciidammada Maraykanka u qaabbilsan Afrikada Bari.
Dowladda Maraykanka ayaa dalalka Afrikada Bari waxaa ka jooga ciidammo xoog leh, kuwaas oo saldhiggoodu yahay dalka Jamhuriyadda Jabuuti.

COMMENTS
  1. michael tonello fake hermes birkin birkin bag hermes replica uk ebay zxnbbomyvmb

  2. cheap fake hermes bags replica hermes 50 birkin leather nbyfuf