September 1, 2010 | Posted by Duhur

Magaalada muqdisho ayaa waxaa mar kale ka dhacay duqeynta madaafiicda taasi oo dhalisay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.meelaha ugu badan ee madafiicdu haleeshey ayaa waxa ka mid ah suuqa bakaaraha.xaafadda blacksea.Cali muuse shiiq oo madax ka ah gaadiid ambulaasooyinka ee ay leedhahay shirkadda nationlin ayaa hornafrik u xaqiijiyey iney qaadeen ilaa iyo soddon iyo lix qof oo dhaawac ah kuwaasi oo ay gaarsiiyeen isbitaallada magaalada muqdisho,cali muuse ayaa waxa uu intaasi ku daray in dhaawacyada ay maanat qaadeen ay u badnaayeen haween ku dhaawacmay gudaha suuqa Bakaaraha

COMMENTS