May 7, 2016 | Posted by daacad yare

top-news1

 

Wararka aynu ka heleyno tuulada Bali_Busle Oo Hoostagta Degamada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaa uu dagaal culusi ku dhexmaray dad xoolo dhaqato ah oo halkaa wada daga.

 

Dadkan xoolo dhaqatada ah ayaa isku haya dhul daaqsin sida wararka ay inagu soogaarayaan.

 

Xalayto bali busle waxaa kadhacay dagaal qarar oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 5 ruux oo ubadan maleeshiyaadkii wada dagaalame iyadoo inka badan intaana ay ku dhaawacmeen.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya  in dadka geeriyooday ay qeeb kayihiin caruur kusugneed goobta lagu kor dagaalamay.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay kabaqdin qabaan in markale dushooda lagu kor dagaalamo.

 

Maleeshiyaadka is dagaalame ayaa lasoo sheegayaa in willi ay isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagaalamen iyaga oo wararku sheegayaan in ay sameynayaan hub urursi ay sameynayaan labada dhinac.

COMMENTS