DUHUR-Kulankii caadiga ahaa ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.
War-murtiyeed laga soo saaray kulankaas ayaa lagu soo dhoweeyay ku dhowaaqidda Jamhuuriyadda Jabuuti ee saxiixa heshiiska is fahamka ee AMISOM iyadoo la sheegay in ugu dambeyn 20-ka bishan July in ciidamadeeda la dejin doono.
Wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ayaa ammaanay horumarka laga sameeyay qorshaha dejinta Soomaaliya iyo guulaha ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay gaareen, iyagoo isku raacay walaaca ku saabsan warar Soomaaliya laga faafiyo, waxayna ku baaqeen in la hakiyo dhaqdhaqaaq kasta inta laga dhammeystirayo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxay kaloo soo jeediyeen ayna soo dhoweeyeen goluhu in tallaabo laga qaadayo qaswadayaasha.
Wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ayaa uga mahadceliyay dowladaha ku taageeray Soomaaliya ciidamada ee Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.
Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xaaladaha dalalka koonfurta Sudan, Sudan, Eritrea iyo howsha xogheynta IGAD.
Kulanka ayaa noqonaya kii 45-aad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ku yeeshaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

All Posts
BBC 0400 GMT









