May 28, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Hawkgal xalay saqdii dhexe ay qaadeen ciidamada nabadsugida dawlada ayay ku soo qabteen hub iyo rag ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab kuwaasoo ku dhuumaaleysanayey gudaha suuqa, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka nabadsugida Col. Khaliif Axmed Ereg.

Sida taliska nabadsugida uu saaka shaaciyey hawlgalka wuxuu ka dhacay labo goobood oo ka tirsan qeybta daawada ee suuqa Bakaaraha kadib markii xalay abaare 3:00 waaberigii ciidamadu ay u dheceen guryo ku yaalla gudaha suuqa halkaasoo ay ku soo qabteen rag aan tiradooda la xaqiijin.

Taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir Col. Khaliig Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta dawlada ayaa tilmaamay in xog ay heleen ay u fududeysay inay gacanta ku dhigaan ragga iyo hubkii ay heysteen oo ay kula dhuumaaleysanayeen gudaha suuqa Bakaaraha. Wuxuu Col. Ereg sheegay in ragga la qabtayay ka faa’ideysanayeen hawlgal burburin ah oo beryahan gudaha suuqa ka socday kaasoo looga hortagayey dhismayaasha sharci darrada ah ee suuqa ku dhex yaalla.

Taliyaha nabadsugida wuxuu intaa ku daray in kadib marka ay baaritaan ku sameeyaan ay soo bandhigi doonaan tirada ragga ay hayaan iyo hubkoodaba.

Hawlgalkan ayaa noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee hub iyo rag ka tirsan Al-Shabaab lagu qabto oo gudaha Muqdisho ka dhaca tan iyo Jimcihii markii dawlada iyo AMISOM ay Al-Shabaab ka qabsadeen degmada Afgooye kuna dhawaaqeen in hawkgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ay u wareegeen gobolada labada Shabeelle.

COMMENTS