April 12, 2014 | Posted by admin

Muqdisho– Madaxa Wakaaladda Batroolka Soomaaliyeed Xuseen Cali Axmed oo maanta Warbaahinta ugu warramayay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay shir arrimaha Batroolka Looga hadlayo oo ka dhacay dalka  Tanzania.

Xuseen ayaa sheegay in La isku raacay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu wanaagsan xagga Batroolka Geeska Africa laakin aanu ka faa’ideysan Bulshadeeda.

“ hadda waxaa jira heshiis  ku aadan in baaritaanno xagga shidaalka ah ay ku sameeyaan Soomaaliya Maraakiib laga leeyahay dalka Britain” ayuu yiri Xuseen Cali Axmed  Madaxa Wakaaladda Batroolka Dowladda Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa waday indhawaanahaanba dadaallo ay ku dooneyso in ay ku howl galiso Batroolka  dalkeenna hooyo .

COMMENTS