January 22, 2017 | Posted by admin

jowhar-dagaal

Waxaa Xalay Magaalada jowhar lagu dilay Taliyaha Qaybta Boliska Gobalka sh/dhaxe Mudane Qaliif cabdulle Carfaaye ka dib Kooxa Bam ku weeraray Taliyaha Iyo Ciidamada Ilaala u ahaa.

Dilka Taliyaha ayaa la sheegay in askar ay ku dhaawacantay islamarkaana Taliyuhu uu geeriyooday sida ay inoo sheegeen Dadka deegaanka.

Ciidamada Dowlada soomaaliya ayaa saaka Howlgalo Culus ka wada Magaalada Jowhar ee Gobalka shabeelada dhaxe ka dib Dilkii xalay Halkaa ka dhacay.

Ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka sh/dhaxe iyo kan Maamulka Hirshabelle oo ku aadan Dilka xalay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar lagu aaso Taliyaha Qaybta Boliiska Gobalka sh/dhaxe Qaliif   Cabdulle Carfaaye.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS