January 9, 2017 | Posted by admin

 

howlgalo

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Maxamed Ciise Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka gobolka Mudug ay Howlgallo adag ay ka wadaan Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in ciidanka Ammaanka ay bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxaha dhibaatada u geysta bulshada Kunool Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug xilliyada habeenkii ah.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa Sidoo kale xusay in tilaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko ayadoo gawaarida muraayadaha Madow ku dhex wadata Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Ciise Warsame ayaa ku dambeyntii ugu baaqay bulshada kunool Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka.

Dhamaan Gaadiid layda Ku nool Galkacayo iyo dadka Wata gaadiidka Miraayadaha Madoow ayaa loogu baaqay in ay gaadiidkooda aysan Ku xirin  Been-salka Miraayadaha lagu dhejiyo

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS