November 19, 2012 | Posted by admin

Ciidamada dowladda ayaa howl gal shalay gelinkii dambe ka sameeyeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ku soo qab qabtay askar ka tirsan ciidamada milateriga, xilli ay dhac u geysteen gaari rakaab ahaa.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in raga ay soo qabteen ay ahaayeen burcad labisneyd dareyska ciidamada, kuwaasoo gaarayay ilaa 10-nin, iyadoo kadib iyaga iyo hubkooda loo gudbiyay magaalada Muqdisho si maxkamad loo saaro.

Howl galkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Leego ayay saraakiishu sheegeen inay dib ugu celiyeen alaabo laga qaatay gaariga rakaabka, markii ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii dhaca geystay.

“Howl galkan wuxuu ku dhacay sidii loo qorsheeyey waxaana ka fulinay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo aan ku soo qabanay dad tobaneeyo ruux ah oo qaarkood ay labisnaayeen dareyska Ciidammada, kuwana waxey wateen dhar shacab ayaga iyo hubkii ay dadka ku dhacayeen waan heynaa waxaana la horgeynayaa Cadaalladda” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee hogaamineysa howlgalka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadayaan howl galka ay ku baacsanayaan kooxaha labisan dareyska ciidamada ee falalka amni daro ka geysta wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada dadka iyo darawalada gaadiidka ka muujinayeen kooxo labisan dareyska ciidamada oo dhac u geysanayay gaadiidka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ilaa Baydhabo.

COMMENTS