September 27, 2016 | Posted by admin

Ciidamada Dowlada soomaaliya ayaa Maanta Howl-galo ka sameeyay Gudaha suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale goobaha ku teedsan.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay aad ubuux dhaafiyeen Xaafadaha Degmooyinka Warta nabada iyo Howlwadaag waxa ayna halkaasi ku soo qab qabteen Dad kala duwan.

Raga baaritaanka waday ayaa guryaha gudaha ugelayay waxaana la sheegay in  ay qabteen Dad qaaraya boqolaal Ruux.

Warbaahinta Dolwada ayaa daabacday in Suuqa Bakaaraha Ganacsigiisa Hakad la geliyay si kooban islamrakaan Dadkii la qabtay ay ciidamadu ku howlan yihiin kala soocooda.

Howlaha Baaritaanka ah oo ay wadaan ciidamada dowlada soomaaliya ayaana Hakad geliyay ganacsiga waxbarashada iyo isu socodka Gaadiidka wadada Wadnaha ee Muqdisho,

Maxamed daacda Muqdisho.

 

COMMENTS