July 18, 2014 | Posted by admin

Muqdisho-Taliska  Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Howl gallo dad badan lagu soo qab qabtay oo ay ka sameeyeen degmadaasi.

Max’ed Daahir Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan oo ka warbixiyay Howl galladaasi ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dad aad u badan oo qaarkood aad loo tuhunsanyahay gaar ahaan in ay geysteen falal dhibaato ku ah amniga oo ka dhacay degmadaasi.

“ waan kala saari doonnaa dadka aan soo qabanay , wixii dambi leh waan ciqaabeynaa kuwa aan geysanna waan fasixi doonnaa” sidaasi waxaa yiri Max’ed Daahir Taliyaha Saldhiga degmada Hodan.

Shalay ayey ahayd markii degmada Hodan uu ka dhacay qarax khasaaro sababay oo lagu soo xiray gaari Carrep-ah

COMMENTS